Diyaarad ay leeyihiin ciidamada hawada dalka oo burburtay

0
558

Waaxda ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ayaa sheegtay in hadda ay socdaan howlaha samatabixinta ka dib markii saaka ay diyaarad ah nooca qummaatiga u kacdo ee loo yaqaano Helikobtarka ku burburtay aagga Ole Tepesi ee Ngong oo ka tirsan ismaamulka Kajiado.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay dhacdadaasi in kastoo ay socdaan baaritaano lagu xaqiijinaya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in 10 ka mid ah ciidamada ay shilka ku dhinteen halka 13 kalena ay dhaawacmeen.
Diyaaradda oo ay leeyihiin ciidamada hawada dalka ayaa halkaasi ugu ambabaxday tababar dhanka howlgallada ah.
Wixii faahfaahin dheeraad ah wararka dambe ayaad ku dhagaysan doontaan.