Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta la filayaa in ay caddeyso in si sharciga wadanka waafaqsan ay wakiillada ismaamulka Nairobi xilka uga qaadeen guddoomiyihii caasimadda Kenya Mike Sonko.
Guddi ka kooban saddex garsoorayaal ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixin doono tallaabadii aqalka sare uu ku ayiday xilka xayuubintii siyaasigan.
Guddigan oo ay soo magacawday ku xigeenka madaxa cadaaladda wadanka Philomena Mwilu ayaa waxaa xubno ka ah garsoore Saciid Chitembwe, Weldon Korir iyo Wilfrida Okwany.
Dacwadaha ay maxkamaddu soo gabagabeyn doonto waxaa u gudbiyay Mr. Okiya Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga , ururka qareenada dalka ee LSK , xisbiga Thirdway Alliance iyo kooxo kale.
Qareenka matalaya Mike Sonko oo lagu magacaabo Harrison Kinyanjui ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in aan si sharciga ah xilka looga qaadin barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi sidaas awgeedna ay rajeynayaan in maxkamadda ay dib ugu soo celiso xafiiska.