DHAGEYSO:Xiisad ka taagan xuduudda Narok iyo Kisii

0
478

Wararka naga soo gaaraya xuduudda ismaamullada dariska ah ee Narok iyo Kisii gaar ahaan dhanka Trans Mara ayaa sheegaya in halkaasi ay xiisad ka jirto.
Tani ayaa timid ka dib markii xalay dab ka qabadsiiyay beeraha qawaaxa ama qasabka ee deegaankaasi.
Gudoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Kilgoris Nuur Xasan ayaa sheegay in ay sameyn doonaan baaritaano ku aaddan cidda xalay beeraha gubtay si tallaabo sharciyeed looga qaado.
Waxaa uu dadweynaha ka codsaday in ay is dejiyaan oo aynan ku dhaqaaqin fal wax u dhimaya xasiloonida guud iyo wadajirka bulshooyinka ku nool ismaamulladaasi