Kenya oo laga xaqiijiyay 283 ah xaaladaha cusub ee COVID19

0
239

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay xaaladaha cusub ee caabuqa corona oo gaaraya 283.
Tani ayaa timid ka dib markii la baaray dheecaan dhan 3,452 .
Tirada guud ee kiisaska cudurka ee dalka ayaa hadda ah 179,075 .
Dadka ugu dambeeyay ee laga helay fayraska corona 272 ayaa Kenyaan ah halka 11 ay ajaaniib yihiin.
Waxay isugu jiraan 132 rag ah 151 haween ah oo ay da’doodu u dhexeyso canug dhallan labo bilood iyo 92 sano jir.
Waxaa xanuunka ka caafimaaday 73 bukaan oo dheeraad ah tani oo bogsashada guud ka dhigtay 122,704.
Wasaaradda ayaa diiwaangelisay 9 dhimasho oo hor leh waxayna tirada guud ee dhimashada uu sababay cudurka COVID19 ee Kenya hadda tahay 3,456.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here