Degmooyin badan oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Lagdera ee ismaamulka Garissa ayaa waxaa laga dareemayaa saameynta abaarta.
Guddoomiyaha guddiga nabad galyada ee Lagdera Dhaqane Falliir ayaa codsaday in la caawiyo dadka ay abaartu saameysay.
Cabdisamad Muxumad Cabdi ayaa qodobkan oo faahfaahsan Garissa ka soo diray.