Ciidamada difaaca dalka oo lagu ammaanay dagaalka ka dhanka ah argagixisada

0
594

Taliye ku xigeenka ciidamada gaashaan dhigga Kenya ee KDF Albert Kendagor ayaa saraakiisha difaaca ku ammaanay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka kooxaha argagixisada.
Maj Gen Kendagor oo u tagay ciidamada qaybta ka ah howlgalka amni ee keynta Boni ismaamulka Lamu iyo sidoo kale kuwa ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in ay wax lagu farxo tahay in saraakiisha ay sameyaan roondooyin adkeeyay in dagaalyahaanada ay si fudud ugu dhex socdaan deegaannada.
Taliye ku xigeenka ayaa xusay in howlgallada oo sare loo qaaday ay horseeday hoos u dhac la xiriira dhaqdhaqaaqyada cadowga.
Waxaa uu intaa ku daray in marka laga soo tago sugidda amniga , ciidamada difaaca ay ka qayb qaataan barnaamijyada bulshada looga taageero dhanka dhaqaalaha ee lagu wanaajiyo nolosha si gaar ah haweenka iyo dhallinyarada.
Mas’uulkan ayaa ciidamada u xaqiijiyay in la sii wadaya dadaallada lagu xoojinayo waxqabadkooda .
Waxaa uu kula taliyay in mar kasta ay feejignaan sare muujiyaan si ay uga hor tagaan halista amni.