DHAGEYSO:Xaalad amni darro iyo biyo yari ka jirta ismaamulka Turkana

0
412

Barasaab ku xigeenka ismaamulka Turkana Peter Lotethiro ayaa ugu baaqay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i inuu wax ka qabto xaalad amni darro oo ka jirta dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu xusay in dadka ay billaabeen inay guryahooda ka barakacaan ka dib markii ismaamulkaasi ay ku soo bateen shakhsiyaadka dilalka geysanaya.
Mr. Peter ayaa sheegay in falalka amni darro ay kordheen tan iyo markii la soo afjaray howlgal ka socday bariga Turkana.

Dhanka kale wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa sheegay in dowladda dhexe ay dhaqaale dhan 3.7 bilyan oo shilin ku garab istaagtay bulshooyinka martigeliyay qaxootiga ee ismaamulka Turkana.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta John Munyes ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay maalgashi badan ku sameyso adeegyada biyaha ee ismaamulka Turkana.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in hadii bulshada laga haqab tiro baahiyaha dhanka biyaha ay yaraan doonaan falalka iskudhacyada ee laga soo tabiyo xuduudda.
Mr. Munyes ayaa tilmaamay in sidoo kale uu jiri karo kobac dhanka ganacsiga ah oo ka dhexeya dalalka dariska ee Kenya, Uganda, Suudaan iyo Itoobiya.
Wasiirka tamarta ee dalka ayaa ku celceliyay in maadaama hadda ay jirto abaar baahida ugu wayn ee haysto shacabka ku nool Turkana ee la doonayo in mudnaanta koowaad la siiyo ay tahay biyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here