Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maamullada jaamacadaha wadanka ku boorriyay in ay dhimaan tirada shaqaalaha ee aan ahayn barayaasha.
Waxaa uu dhanka kale xusay in la doonayo in jaamacadaha ay la yimadaan siyaabo hal abuur ku saleysan oo ay dakhli ku abuuri karaan.
Prof. Magoha ayaa cadeeyay in dowladda dhexe saameynta ka dhalatay cudurka COVID19 awgii aynan kordhin doonin lacagaha ay siiso jaamacadaha.
Arrinkan ayuu wasiirku ka hadlay xilli uu ka qayb galay xafladda 43-aad ee qalin jabinta ee jaamacadda Egerton halkaasi oo shahaadooyin kala duwan lagu guddoonsiiyay 2185 oo arday ah.