Meydka Chris Kirubi oo la aasi doono maanta

0
671

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta la aaso meydka ganacsade caan ahaa oo dhawaan geeriyooday laguna magacaabi jiray Dr.Chris Kirubi.
Shalay ayay ahayd markii munaasabad baroordiiq ah loogu sameeyay xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Isniintii ayuu maalqabeenkan isaga oo 80 sano jir ah u geeriyooday cudurka kansarka.
Mas’uuliyiin badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta ayaa Kirubi ku tilmaamay shakhsi kaalin wayn ka soo qaatay wax soo saarka iyo kobaca dhaqaale ee dalka.