Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kamkunji ee xaafadda Islii ka tirsan tahay Yuusuf Xasan oo u warramay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa cambaareeyay falalka ku saabsan afduubka gabdhaha ee ka dhacay magaalada Nairobi maalmihi lasoo dhaafay gaar ahaan xaafadda soomaalida u badantahy ee Islii.
Waxaa u dhanka kale sheegay inuu dhaliil u jeediyay laamaha amaanka islamarkaana dhacdadaan u gudbiyay abaanduulaha booliska Hillary Mutyambai si tallaabo degdeg loo qaado islamarkaana weerar ay ku qaadan kooxdii afduubka geystay.
Waxaa uu sheegay in shacabka deegaanka Kamkunji ee xaafadda Islii ay mudanyihiin in amaankooda iyo badqabkooda la ilaaliyo islamarkaana xasiloonida xaafadda la soo celiyo
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xildhibaanka deegaanka Kamkunji oo cambaareeyay afduubka gabdhaha ee xaafadda Islii