Markab labaad oo shidaal ah oo dab ku qabsaday marinka Hormuz

0
45

Ciidamada badda ee dalka Iran ayaa sheegay in markab kale oo shidaal uu saaka dab qabsaday kadib markii uu ku dhacay miino badeed, xilli uu marayay dhinaca bari ee marinka Hormuz.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in tani ay tahay markabkii labaad ee dab qabsada saaka, halka shantii markab ee ugu dambeysay ay dab qabsadeen 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kadib weerarro ama markii ay ku dhaceen miinooyin badeed xilli ay marayeen marinkaasi.
Ciidamada badda Iran ayaa sheegay in maraakiibta ku lug leh waxa ay ku tilmaameen dhaqdhaqaaqyo sharci-darro ah, isla markaana damiya qalabka lagu raadraaco maraakiibta, ay wajahayaan khataro ka dhasha howlgaladooda.
Hadalkan ayaa lagu baahiyay wakaaladda wararka Tasnim ee dalka Iran.