Xisbiyada Jubilee iyo ODM oo isbahaysi sameysanaya

0
419

Xoghayaha guud ee xisbiga talada dalka haya ee Jubilee Raphael Tuju ayaa xaqiijiyay in xisbiyada Jubilee iyo ODM ay bilaabeen wadahadalo ujeedkoodu yahay isbahaysi siyaasadeed.
Tuju ayaa sheegay in labada xisbi ay haatan wadahadalo joogta ah u socdaan, iyagoo doonaya inay midoobaan.
Waxaa uu xusay in xisbiga Jubilee uu doonaya inuu la shaqeeyo dhiggiisa ODM.
Mr Tuju ayaa maanta ku dhawaaqay in guddi la sameeyay islamarkaana loo xilsaaray howshan lagu doonaya in xisbiyadaan ku midoobaan.
Waxaa uu caddeeyay in guddiga uu arrinkan kusoo gabagabeyn doono muddo 14 maalmood ah.
Waxaa uu intaa ku daray in xisbiyada siyaasadeed ee kale ay u furantahay inay wadahadallada kusoo biiraan hadii ay doonayaan in qayb ka noqdaan isbaheysiga siyaasadeed.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ku dhaawaqay inuu taageeri doono mid ka mid musharraxiintii ay ku tartamkeen doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii.