Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida hoggaamiyihii hore ee Zambia

0
206

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada , asxaabta iyo si guud shacabka wadanka Zambia ka dib geeridii ku timid Kenneth Kaunda.
Waxaa uu dhambaalkan u gudbiyay dhigiisa dalkaasi Edgar Lungu.
Shalay ayay ahayd markii isaga oo 97 sano jir ah uu geeriyooday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Zambia Kenneth Kaunda oo talada hayay intii u dhexeysay 1964 ilaa 1991-dii.
Mr. Kenyatta ayaa sida ku cad bayaan ka soo baxay madaxtooyada State House sheegay in isagoo wakiil ka ah dowladda iyo muwaadiniinta uu murugada la qaybsanaya Zambia.
Waxaa uu siyaasiga geeriyooday ku tilmaamay shakhsi ay aad ugu waynayd qarannimada oo door muhiim ah ka soo qaatay halgankii xornimo doonka ee qaaradda Afrika.
Mr. Kenyatta ayaa intaa ku daray in Kaunda ay murti ka buuxday oo uu si firfircoon uga shaqeyn jiray horumarinta danaha Afrika xita ka dib markii uu hoggaanka wareejiyay.
Madaxweynaha dalka ayaa ku celceliyay in la xusuusan doono qaabkii uu Kenneth Kaunda ugu istaagay daryeelka dadweynaha Zambia iyo si guud qaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here