Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku baaqay xoojinta iskaashiga ganacsi ee Kenya

0
47

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Kenya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in iskaashiga labada dal uu horseedi karo barwaaqo iyo horumar dhaqaale.
Abiy Ahmed ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda Maalinta Geesiyaasha Kenya ee Mashujaa Day, oo lagu qabtay garoonka Kipchoge Keino ee magaalada Eldoret, ismaamulka Uasin Gishu.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in labada dal ay ka faa’iideysan karaan iskaashi dhaqaale oo xooggan, isaga oo fikraddan ku tilmaamay inay ka dhigan tahay iskaashi iyo awood isku-dar.
Abiy ayaa xusay in iskaashiga labada dal tan iyo sannadkii 2022 uu suurageliyay in koronto nadiif ah laga gudbiyo xuduudda, taas oo guryo badan iftiin u noqotay, isla markaana tamar siisay warshadaha.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in iskaashigaasi ka muuqdo isku socodka ganacsi ee u dhexeeya magaalada Mombasa ee Kenya iyo Hawassa ee Itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta ganacsiga labada dal, isaga oo xusay in adeegga lacagaha moobilka ee M-Pesa uu dadka u fududeeyo dirista lacagaha iyo bixinta adeegyada.
Abiy Ahmed ayaa Madaxweyne William Ruto ugu baaqay inuu sii xoojiyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, si beeraleyda iyo ganacsatadu ay badeecadahooda si fudud uga gudbin karaan xuduudaha.
Wuxuu sidoo kale ku boorriyay shacabka labada dal inay booqdaan dalalka deriska ah, bartaan dhaqamadooda, isla markaana iska kaashadaan waxbarashada iyo horumarka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ugu dambeyn sheegay in iskaashiga ganacsi ee Kenya iyo Itoobiya uu faa’iido u yeelan doono qoysas badan, isaga oo xaqiijiyay in Itoobiya ay mar walba garab taagnaan doonto shacabka Kenya.