Kenya oo xaqiijisay kiiskii 9-aad ee cudurka Ebola

0
25

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa xaqiijisay in tirada dadka uu ku dhacay cudurka Ebola ay gaartay sagaal qof, kaddib markii la helay kiis cusub oo xiriir dhow la leh bukaankii ugu horreeyay ee u dhintay cudurka.
War-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Caafimaadka, Dr. Patrick Amoth, maanta oo Talaado ah, 20-ka Oktoobar 2026, ayuu ku sheegay in dhammaan sagaalka kiis ay ka tirsan yihiin hal koox oo cudurku ku faafay, isla markaana aan la hayn wax caddeyn ah oo muujinaya inuu cudurku ku faafay dad ka baxsan kooxdaas.
Kiiska sagaalaad ayaa ah nin 24 jir ah oo qaraabo dhow la ah bukaankii ugu horreeyay ee geeriyooday. Ninkan ayaa la karantiilay markii ugu horreysay ee uu xanuunsaday, waxaana daaweyntiisa la bilaabay isla markii laga xaqiijiyay cudurka.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in la xoojiyay qalabka iyo agabka caafimaadka ee gobollada khatarta sare ku jira, halka Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta laga sameeyay shaybaar gaar ah oo lagu baaro bukaannada looga shakiyo Ebola.
Dowladda dalka waxay xaqiijisay in ilaa hadda aanu jirin wax cudurka ah oo laga soo sheegay xarumaha karantiilka, isla markaana shaqaalaha caafimaadku ay haystaan qalabka badbaadada ee lagama maarmaanka ah.
Waxay intaas ku dartay in dalkani Kenya uu weli furan yahay, ayna jirin wax xayiraad ah oo lagu soo rogay safarka, ganacsiga ama isu imaatinnada dadweynaha.
Dadka lagu hayo karantiilka ee caafimaad qaba, kuwaas oo karantiilka galay 6-dii Oktoobar, ayaa la filayaa inay dhammaystaan muddada 21-ka maalmood ah oo ay guryahooda ku laabtaan laga bilaabo Sabtida 25-ka Oktoobar.
Wasaaradda Caafimaadku waxay shacabka ugu baaqday inay raacaan tilmaamaha caafimaadka, isla markaana qof kasta oo lagu arko qandho, daal aan caadi ahayn, murqo ama kala-goysyo xanuun, matag ama shuban uu si degdeg ah ula xiriiro xarunta caafimaadka ee ugu dhow ama khadka bilaashka ah ee 719.