Waxaa la filayaa in maanta xaafadda Karen ee magaalada Nairobi munaasabad baroordiiq ah loogu sameeyo ganacsadihii caanka ahaa ee dhawaan geeriyooday Dr.Chris Kirubi.
Isniintii ayuu maalqabeenkan isaga oo 80 sano jir ah u geeriyooday cudurka kansarka.
Mas’uuliyiin badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta ayaa Kirubi ku tilmaamay shakhsi kaalin wayn ka soo qaatay wax soo saarka iyo kobaca dhaqaale ee dalka.
Maalinka Sabtida ayaa meydka Dr. Kirubi lagu aasi doonaa deegaanka Thika oo ka tirsan ismaamulka Kiambu.