DHAGEYSO:Raila Odinga oo u jawaabay Kalonzo Musyoka

0
515

Hogaamiyaha xisbiga (ODM) Raila Odinga ayaa si kulul ugu jawaabay hogaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ka dib hadalki dhawaan ka soo yeeray ee ahaa in uusan taageeri doonin Raila Odinga doorashada guud ee 2022.
Raila, oo khamiista maanta ah ku sugnaa magaalada Mombasa ayaa waxaa uu sheegay in xitaa uusan shaacin inuu doonayo kursiga ugu sareeya ee madaxweynanimada dalka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mr Odinga wuxuu kaloo sheegay in Kalonzo Musyooka uu kacdsan taageeradiisa ilaa iyo inta laga gaarayo doorashada guud 2022-ka.
Waxaa uuna intaas ku sii daray in kalonzo uu is dajiyo uuna sugo waqtika saxda ah.

Kalonzo Musyoka ayaa arabacadii mar uu waraysi siinayay telefishanka NTV wuxuu sheegay inuu noqonayo qofkii ugu doqonsanaa dunida hadii uu markii seddaxaad taagero siiyo raila Odinga
Taasina uu sidatan ugu jawaabay Raila Odinga.

Si kastaba ahaate xisaada ka dhex taagan isbahaysiga NASA ayaa waji cusub yeelatay iyada oo aan la ogeyn cidda calanka madaxtinimada u sidi doonto isbaheysagaas ee doorashada guud sanadka 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here