Madaxweyne ku-xigeenka Tanzania Emmanuel Nchimbi oo iscasilay

0
113

Madaxweyne ku-xigeenka Tanzania, Dr. Emmanuel John Nchimbi, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka, isla markaana si buuxda uga fariisanayo shaqada dowladda iyo siyaasadda gabi ahaanba, laga bilaabo 4-ta Sebtembar 2026.
Ogeysiis rasmi ah oo dadweynaha loo soo saaray 25-kii Agoosto 2026, kana soo baxay Xafiiska Madaxweyne-ku-xigeenka ee Dodoma, ayaa lagu sheegay in Dr. Nchimbi uu si rasmi ah warqaddiisa iscasilaadda ugu gudbiyay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan.
Dr. Nchimbi wuxuu sheegay in go’aankiisa uu ku salaysan yahay qodobbada Dastuurka Tanzania, gaar ahaan Qodobka 50 oo lala akhriyay Qodobka 149(2), kuwaas oo u oggolaanaya inuu xilka ka dego si Madaxweyne Hassan ay u soo magacaabi karto Madaxweyne-ku-xigeen cusub.
Isagoo ka hadlayay muddadii uu xilka hayay, Dr. Nchimbi wuxuu xusay ballanqaad uu Madaxweyne Hassan u sameeyay sanad ka hor, kaas oo ahaa inuu si daacadnimo leh ugu adeego dalka, isla markaana xilka ka dego marka ay Madaxweyne-ku-xigeen cusub u baahato.
Dr. Nchimbi ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Hassan iyo xisbiga talada haya ee Chama Cha Mapinduzi CCM kalsoonida ay ku qabeen hoggaamintiisa.
Waxa uu sidoo kale shacabka Tanzania uga mahadceliyay taageeradii ay siiyeen muddadii uu xilalka dowladda hayay, isagoo xaqiijiyay inuu sii ahaan doono muwaadin waddankiisa daacad u ah.