Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Iskuul ku yaala ismaamulka Nyandarua oo albaabada la isugu dhuftay

Iskuul ku yaala ismaamulka Nyandarua oo albaabada la isugu dhuftay

Dugsiga hoose dhexe ee Uhuru Primary ee ee kuyaala ismaamulka Nyandarua ayaa arbacada maanta ah si kumeel gaar ah loo xiray kadib markii 16 kamid ah ardayda iyo afar macalin wax ka barayay skuulkaas laga helay viruska COVID-19.
Xog,hayaha waaxda caafimaadka ee dowlad deeganka Nyandarua John Mungai ayaa sheegay in isniintii baaritaanka ardayda laga qaaday lagu ogaaday inuu haleelay caabuqa.
Ardayda laga helay viruska ayaa isniintii booqday isbitaalka Nyairoko Dispensary iyagoo ka cabanaya shuban iyo dhuun xanuun.
Shaqaalaha caafimaadka ismaamulkaas ayaa ku qasbanaaday markii ay ogaadeen xanuunka ay ka cabanayaan ardayda inay ka baaraan Corona Virus.
Ardayda skuulkaas dhamaan ayaa guriyaha loo diray iyadoona wasaaradda tacliinta Nyandarua ay sheegeen inay la socon doonaan xaalada skuulada ku dhaw dhaw midka hadda albaabada loo laabay ee Uhuru Primary si ay u xakameeyana faafitaanka Viruska.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dalka Dr Fred Matianki waxaa uu sheegay in sharuudo adag lagu soo rogi doono gobolka Nyanzza iyo Galbeedka dalka ka dib markii uu goboladaas si weyn ugu faafay xanuunka COVID 19.
Dhinaca kalena wasaaradda caafimaadka ee dalka waxaa ay maanta diiwangalisay kiisas dhan 485 oo Corona Virsu ah ,kiisaska guud ayaa tani ka dhigaysa 176,622.
Heerka Coorna Virus ee dalka maanta waxaa uu gaarsiisan yahay boqolkiba 9.1%,
Waxaana ka soo kabsatay Viruska bukaano gaaraya 312 bogsashada guud ayaa maraysa 121,206.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in qofna uusan maanta Kenya ugu dhiman COVID 19.
Balse dhiamshada guud ayaa wali ah 3,428
Nairobi 119, Hama Bay 68, Siaya 61, Kisumu 48, Mombasa 28, Busia 24, Kakamega 19, Kericho 16, Nakuru 14, Bomet 13, Uasin Gishu 11, Bungoma 10, Vihiga 8, Kisii 7, Machakos 7, Kilifi 5, Nyeri 4, Narok 4, Migori 3, Kajiado 2, Kiambu 2, Kirinyaga 2, Kitui 2, Nyandarua 2, West Pokot 2, Kwale 1, Laikipia 1, Murang’a 1 and Nyamira 1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments