DHAGEYSO:Saldhig boolis oo laga furay deegaan ka tirsan Marsabit

0
439

Ka dib markii ismaamulka Marsabit ay ku kordheen falalka dhaca xoolaha iyo dagaal beeleedyada ayaa waxaa deegaanka hoose ee Arapal ee deegaan baarlamaneedka North Horr ee Marsabit laga hirgeliyay saldhig boolis.
Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in xarunta ay kaalin wayn ka qaadan doonto sugidda amniga.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo deegaankaas ayaa dhanka kale shacabka ka codsaday inay ku dadalaan nabad galyada iyo midnimada.
Waxaa uu u soo jeediyay in ay saraakiisha ammaanka ku soo wargeliyaan cid kasta oo damacsan in ay khalkhal geliso xasiloonida guud.
Mas’uulkan ayaa xusay in maadaama deegaankaasi uu ku yaalla meel u dhow xadka dalka Itoobiya ay horay aad u adkeyd in la xakameeyo isticmaalka hubka sharci darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here