Iyada oo maanta oo kale caalamka sanad kasta looga dabaal dego maalinka adduunka ee canugga Afrikaanka ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya xoola dhaqatada ay soomaalidu ka mid tahay ee ku aaddan in ay ka gudbaan gudniinka fircooniga ee FGM-ka iyo guurka degdegga ah.
Dadweynaha gaar ahaan waalidiinta ayaa lagu boorriyay in ay gabdhaha fursad buuxda u siiyaan waxbarashada oo aynan ku sameyn gudniinka fircooniga sidoo kalena aynan xilli hore nin u guurin.
Qaar ka mid ah dadweynaha Garissa ee ka faa’iiday barnaamijyada wacyigelinta ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay.