Ururrada bulshada rayidka oo walaac ka muujiyay kooxaha siyaasadeed ee rabshadaha wada ka hor doorashada 2027

0
106

Ururrada bulshada rayidka ah ayaa walaac ka muujiyay soo ifbaxa kooxo loo adeegsado rabshadaha siyaasadeed ee Kenya, iyadoo ay hal sano oo keliya ka harsan tahay doorashada guud ee 2027.
Intii lagu guda jiray kulan ay dhinacyo kala duwan uga wada hadlayeen adeegsiga kooxaha rabshadaha siyaasadeed, kaas oo ay soo qabanqaabisay Guddiga Caalamiga ah ee Qareennada ee Kenya, ICJ-Kenya, ururrada ayaa tilmaamay rabshadihii bilihii u dambeeyay dalka ka dhacay.
Waxay sheegeen in dhacdooyinkaas ay muujin karaan dadaallo abaabulan oo lagu ururinayo kooxaha rabshadaha wada xilliga doorashada.
Guddoomiyaha ICJ-Kenya, Christine Alai, ayaa sheegtay in Kenya ay tahay inay hore uga hortagto isbeddellada soo baxaya, iyadoo ka digtay in xaaladda hadda la arkayo ay la mid tahay caqabadihii dalka soo maray xilliyadii doorashooyinkii hore.
Alai ayaa rabshadihii ka dhashay doorashadii 2007 ku tilmaantay mid ka mid ah xilliyadii ugu madoobaa taariikhda Kenya, iyadoo sheegtay in casharradii laga bartay xilligaas ay hagaan diyaar-garowga doorashada 2027.
Sida ay sheegtay guddoomiyaha ICJ-Kenya, ururrada bulshada rayidka ah, iyagoo kaashanaya adeega qaran ee booliska, NPS, maamulka madaxa banaan ee kormeerk booliska, IPOA, Xafiiska dacwad oohida dadweynaha ODPP, iyo dhinacyo kale, ayaa doonaya inay sameeyaan qorshe lagu aqoonsanayo dadka abaabula, maalgeliyo kooxaha loo adeegsado rabshadaha siyaasadeed.
Kulanka waxaa sidoo kale ka hadashay Rahma Ramadhan, oo ah cilmi-baare iyo maamulaha barnaamijyada ee Xarunta Xuquuqda Aadanaha iyo Daraasaadka Siyaasadda. Waxay sheegtay in ay jiraan walaacyo muhiim ah oo la xiriira rabshadaha siyaasadeed.
Hase yeeshee, waxay xustay in la waayay xog cusub oo ku filan oo ka caawin karta dhinacyada ay khusayso inay wax ka qabtaan arrimaha la xiriira rabshadaha siyaasadeed.