Okiya Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha iyo maamul wanaagga ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu kaga soo horjeedo miisaaniyad sanadeedka 2021-2022-ka ee wasiirka maaliyadda Ukur Yatani uu dhawaan baarlamaanka ka hor akhriyay.
Waxaa uu doonayaa in maxkamadda ay soo saarto amar wasaaradda looga hor istaagaya in ay adeegsato miisaaniyaddan.
Omtatah ayaa ku doodaya inuu dastuurka wadanka lagu xadgudbay.
Waxaa uu intaa ku daray in wasaaradda maaliyadda aynan xaddidin deymaha ay Kenya ka qaadato dalalka kale iyo hay’adaha maaliyadda sida ku xusan bayaanka miisaaniyadda.