Ciidamada booliska ee ismaamulka Mombasa ayaa maxkamadda weydiistay in ay u ogolaato in eedeysane lagu magacaabo Faisa Cali Xasan ay muddo 14 cisho ah xabsiga ku hayaan si ay u soo gabagabeyaan baaritaanada.
Faisa ayaa ahayd qofkii ugu dambeeyay ee la arkay iyada oo la socoto Najmo Cabdullahi Macallin oo ah gabadh soomaaliyeed taasoo maalmo ka hor meydkeeda laga helay Mombasa.
Qareenka matalaya waaxda dacwad soo oogidda Bosibori Ogega ayaa maxkamadda u sheegay in hadii fursad dheeraad ah la siiyo ay xaqiijin doonaan in Faiza ay ku lug lahayd dilka Najmo iyo in kale.
Ogega ayaa garsoore Vincent Adet ku wargeliyay in eedeysanaha ay baxsad ahayd tan iyo markii ay ogaatay in ciidamada booliska ay raadinayaan.
Mr.Ogega ayaa ku doodaya in tuhmanaha ay ka safartay Mombasa iyadoo aaday magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Waxaa uu intaa ku daray in ay isku dayday inay magaalada Nairobi qaab dhuumaaleysi ah ku soo gasho balse ay saraakiisha ammaanka ku qabteen aagga Kangundo .
Najmo Cabdullahi oo 19 sano jir ahayd ayaa iyada oo miir daboolsan lagu arkay goobta loo yaqaano Dongo Kundu waxaana la geeyay isbitaalka PortReiz halkaaso oo ay ku dhimatay.
Baaritaan lagu sameeyay meydka Najmo maalinkii Sabtida ayaa lagu ogaaday in ay u dhimatay dhaawac culus oo loo gaystay.
Natiijada baaritaanka ayaa muujisay in laga dhaawacay dhinaca midig ee madaxa .
Qareenka u doodaya qoyska gabadha la dilay Derrick Odhiambo ayaa maxkamadda u sheegay in ay cadaalad dalbanayaan oo ay doorbidayaan in Faiza xabsiga lagu sii hayo inta laga dhameystirayo baaritaanada.
Garsoore Vincent Adet ayaa lagu wadaa inuu maanta go’aan ka soo saaro in eedeysanaha xabsiga lagu sii haynaya iyo in kale.
Home Wararka Kenya Eedeysane lala xiriirinayo dilka gabadh dhawaan meydkeeda laga helay Mombasa oo maxkamad...