Maamulka NTSA oo howlgallo ka sameeyay Nairobi

0
131
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA ayaa ismaamulka Nairobi ka sameeyay howlgal lagu beegsanayay dadka aan ilaalin xeerarka taraafikada.
NTSA ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay shakhsiyaad waddooyinka waawayn gudbayey iyagoo aan marin meelaha khaaska ah ee loo asteeyay.
Waxaa dadkan lagu xiray aagga Transami ee xaafadda Pipeline ee ismaamulka Nairobi.
NTSA ayaa bayaan ku sheegtay in dadkan maxkamadda la horgeyn doono si dacwad loogu soo oogo.
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ayaa xaqiijiyey in howlgalladan ay sii socon doonaan ilaa inta laga hubinaya u hoggaansanka buuxa ee xeerarka isticmaalka saxda ah ee waddooyinka dalka.