DHAGEYSO:Ku xigeenka afhayeenka dowladda oo baaq u dirtay shacabka

0
126

Ku xigeenka afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Mwanaisha Chidzuga ayaa sheegtay in qorshaha hiigsiga horumarineed ee sanadka 2060-ka ee uu maalmo ka hor ka hadlay madaxweynaha waddanka Dr.William Ruto uunan ahayn mid isaga ku kooban siyaasad ahaan.
Waxay shacabka ka codsatay in ay arrintan u arkaan mid ay qaranka dani ugu jirto.
Chidzuga oo u warramaysay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa carrabka ku adkeysay in hoggaaminta dalka aynan shan sano ku ekeyn oo ay tahay mid sii jiraysa.