Qiimeyn maskaxeed oo la marsiin doona tuhmanayaal ku eedeysna dilka gabar yar oo 8 sano jir ah ismaamulka Kajiado

0
372

Maxkamad ku taala ismaamulka Kajiado ayaa talaadada maanta ah amartay in qiimeyn maskaxeed lagu sameeyo seddex eedeysane oo loo heysto dilka gabar yar oo siddeed sano jir ahayd taas oo lagu magacaabi jiray Shantel Nzembi
Eedeysanayaashan ayaa kala ah Nativity Mutindi iyo Patrick Muriithi Wambaire .
Waxaana dambiilayaashan dilka loogu tuhmayo baaritaan caafimaad dhanka maskaxda ah lagu marin doona isbitaalka Mathari ee magaaladatani Nairobi ka hor inta la gaynin maxkmadda sare ee Machakos 24-ka bishaan june.
Maanta waxaa ayna ka soo hormuuqdeen garsooraha maxkmadda Kajiado Edwin Mulochi kaas oo soo saaray amarka ah in maskaxdooda la baaro.
Si kastaba ahaate Iminkani Waxaa lagu hayaa Saldhiga Booliska ee Kitengela ee dowlad deegaanka Kajiado.
Dhinaca kalena maxkmadda Kajiado ayaa haweenay lagu magacaabo Faith Njeri ku xukuntay hal sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dambi ah in canug ay eedo u ahayd siisay saxaradeeda.
Isla wararka maxkmadda tuhmanaha ugu weyn ee loo hayo dilka lagula kacay Najma Cabdullahi Macalim oo 19 sano jir ahayd ayaa maanta maxkmadda Mombasa ka soo hormuuqatay iyadoona markii dambe ay maxkmadda dib u dhigtay kiiskeeda.