Laba Eedeysane Oo Loo Xiray Dhac Hubeysan Iyo Kufsi Ka Dhacay Kikuyu

0
91

Booliska dalka ayaa xiray laba nin oo lagu eedeeyay inay geysteen dhac hubeysan iyo kufsi ka dhacay deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu, kadib markii ay ka faa’iideysteen shil gaari oo ay galeen lamaane.
Sida ay sheegeen saraakiisha booliska, lamaanaha ayaa shil ku galay meel u dhow Dugsiga Sare ee Kikuyu Boys High School, xilligaas oo labada eedeysane ay isu ekeeysiyeen dad samafal ah oo u yimid inay gargaar u fidiyaan.
Labada nin oo lagu kala magacaabo Kevin Ndereba Kilonzo iyo Shaban Warui Zainab ayaa lagu qabtay deegaanka Kamangu ee Kikuyu.
Baarayaasha ayaa sheegay in eedeysanayaashu ay weerareen lamaanaha, kana dhaceen alaabtoodii qiimaha lahayd, isla markaana ku qasbeen inay bixiyaan lambarrada sirta ah ee akoonnadooda M-Pesa, kadibna ay ka xadeen dhammaan lacagihii ku jiray. Waxaa sidoo kale la sheegay in haweeneydii lamaanaha ka tirsan kufsi loo geystay.
Markii dhacdada la soo sheegay, kooxo ka tirsan Waaxda Dambi-baarista ee DCI, oo ay ku jiraan (OAT),iyo (CRIB) iyo dambi-baarayaasha deegaanka Kikuyu, ayaa billaabay howlgal degdeg ah oo lagu baadi-goobayay tuhmanayaasha.
Howlgalka ayaa lagu soo qabtay labada eedeysane, iyadoo boolisku sidoo kale soo heleen taleefannadii loo adeegsaday xatooyada lacagaha M-Pesa iyo laba baangadood oo la rumeysan yahay in lagu fuliyay falkaasi.
Booliska ayaa sheegay in baaritaannada la ballaariyay, iyadoo la raadinayo qof lagu tuhunsan yahay inuu iibsan jiray taleefannada la dhacay, isla markaana la baarayo in labada eedeysane ay ku lug lahaayeen falal kale oo dhac iyo tacaddiyo galmo oo ka dhacay deegaanka Kikuyu iyo nawaaxigiisa.
Labada eedeysane ayaa hadda ku xiran saldhigga booliska ee Kikuyu, halkaas oo lagu wado in loo sameeyo aqoonsi, kadibna maxkamad la horgeeyo.