Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya dowladda dalkani Kenya iyo ururrada matala shaqaalaha caafimaadka, iyadoo shaqaalaha ka howlgala Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta (KNH) ay ku hanjabeen inay si buuxda shaqada u joojin doonaan laga bilaabo 3-da bishan Agoosto, haddii aan la xallin cabashooyinkooda.
Kalkaaliyaasha ayaa sheegay inay muddo dheer sugayeen in dowladda ka jawaabto dalabaadkooda la xiriira mushaharka, xaaladaha shaqada iyo hirgelinta heshiisyadii hore loo galay.
Hanjabaaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay weli socdaan shaqo-joojinnada ay wadaan qaybaha kala duwan ee kalkaaliyaasha dalka, arrintaas oo walaac weyn ku abuurtay bukaannada ku tiirsan adeegyada isbitaallada dowladda.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Kalkaaliyaasha isbitaalka Qaranka kenyaatta oo sheegay in ay ku soo biirayaan shaqo...




