Gudiga doorashooyinka iyo xuudaha dalka IEBC ayaa isbuucan dalka ka wadaa barnaamij loogu wacyi galinayo dadka aan heysan karaka codeynta ama kuuraha inay qaataan kaarkaas si ay uga qeyb qaataan doorashada guud ee dalka ka dhici doonta sanadka xiga ee 2022-ka.
Kulan dadka looga wacyi galinayay inayq aataan karaka codeynta ayaa waxaa lagu qabtay iskuulka hoose dhexe ee magalada dadaab waxaana ka soo qeyb galay dumarka, waxgaradka magalada, dhalinyada iyo culimada sidoo kale waxaa goob jog ka ahaa madaxda dowlada sare u fadhiya Dadaab.
U jeedada kulanka ayaa waxaa warbahinta Star uga warbixiyay Madaxa xafiiska dorashooyinka ugu sareeya ee deegaanka dadaab Siyaad Mahad Sabuul wuxuuna bulshad ugu baaqay inay goostaan kuuraha lagu codeeyo.
Dhinaca kalena gudiga IEBC ayaa maanta soo bandhigay nidaam iyo qorshooyiin ku aadan dooasrahada guud ee dalka ka dhici doonta sanadka 2022-ka.
Waxaa uuna gudiga sheegay inuu diyaar u yahay qabashada doorashada .
Waxaa ayna Meesha ka saareen waxyaabihii dhalinayay isqab-qabsiga doorashada.