13 qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii laba bas oo iskuul ay isku dhaceen Galbeedka Pokot

0
149

Saddex iyo toban qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii laba bas oo iskuul, oo siday 101 arday, ay ku lug yeesheen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Riting ee galbeedka Pokot.
Hay’ada Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegay in 13-ka qof ee dhaawacmay, oo ka kooban lix rag ah iyo toddobo dumar ah, loo qaaday Isbitaalka Kapenguria si loogu daweeyo.
Hay’adda gurmadka degdegga ah ayaa sheegtay in kooxaheeda ka hawlgala ismaamullada West Pokot iyo Turkana ay goobta gaareen, iyagoo la shaqeynaya ambalaasyada dowladda hoose, ambalaas dheeraad ah oo ka socday Shirkadda Korontada ee Kenya KenGen, Booliska iyo hay’ado kale oo gurmad ah.
Ururku wuxuu sheegay inuu isku dubbaridayo gurmadka degdegga ah, oo ay ku jiraan daad-gureynta dadka dhaawacmay, bixinta gargaarka degdegga ah , iyo adeegyada daryeelka dadka ay saameysay dhacdadani.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya waa hay’ad bani’aadamnimo oo loo xilsaaray ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, bixinta gurmadka masiibooyinka, taageeridda bulshooyinka ay saameeyaan dhibaatooyinka, iyo caawinta dadka nugul inta lagu jiro masiibooyinka, shilalka iyo xaaladaha kale ee degdegga ah.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ee ururku waxay bixiyaan adeegyo ay ka mid yihiin gargaarka degdegga ah, baadi-goob iyo samatabbixin, daad-gureyn, adeegyada ambalaaska, taageerada nafsi iyo bulsho, iyo isku dubbaridka howlaha lala yeesho hay’adaha dowladda iyo kooxaha kale ee gurmadka.