DHAGEYSO:Guddoomiyaha ammaanka Jarajila oo ka hadlay caqabadaha ay wajahayaan bulshada deegaanka Fafi

0
199

Osman Cartan Cabdi oo ka shaqeeyqa arrimaha nabadda Jarajila ee deegaanka Fafi ismaamulka Garissa oo waraysi siiyay idaacadda Star Fm ayaa ka hadlay caqabadaha isgaarsiin la’aanta qeybo ka tirsan Fafi isagoona codsaday in birta isgaarsiinta la geeyo tuulooyiinka ka tirsan Garissa si ay kaalin uga qaataan xoojinta nabadgalyada.

Waxaa uu sido kale ka hadlay caqabadaha ay wajahayaan bulshada deegaanka Fafi oo ay ka mid yihiin biyo la’aan,waddooyiin oo liitaa iyo adeegyada kale ee bulshada aasaasiga u ah.