DHAGEYSO:NCIC oo baaraysaa Gachagua, laba Wasiir, iyo toddobo kale oo loo haysto hadallo nacayb ah

0
164

Guddiga Qaranka ee Is-dhexgalka iyo Midnimada NCIC ayaa baaritaan ku haya toban qof oo caan ka ah dalka , kuwaas oo uu ku jiro Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Rigathi Gachagua iyo laba Wasiir oo xilka haya, arrintaas oo ku saabsan hadallo guddigu uu sheegay inay noqon karaan kuwo abuura nacayb ama kicin qabiil ka hor doorashada guud ee 2027-da.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen maanta iyaga oo la kaashanaya Golaha Diimaha Ee Kenya IRCK, guddigu wuxuu sheegay in Waaxda Baaritaanka iyo U hoggaansanaanta ay waddo baaritaanno madaxbannaan oo ku saabsan hadallada loo aanaynayo shaqsiyaadkaas, kana digay in aanu jirin qof ka sarreeya sharciga marka ay soo baxaan eedeymo lagu kalsoonaan karo.
Dadka la magacaabay waxaa ka mid ah Gachagua, Wasiirrada Aden Duale iyo Geoffrey Ruku, Barasaabka Busia Paul Nyongesa Otuoma, Barasaab Ku-xigeenka Mandera Ali Maalim Mohamud, Xildhibaanka Sirisia John Waluke, iyo Wanjiku Muhia, David Gikaria, Tipape Naini Musa, iyo Dr. Dennis Adison Ouma.

Guddigu wuxuu adkeeyay in baaritaannada loo marayo si adag oo waafaqsan hannaanka sharciga, isla markaana dhammaan dadka la baarayo ay xafidanayaan xuquuqdooda buuxda ee uu Dastuurku siiyay, oo ay ku jirto in loo haysto inay yihiin kuwo aan dambi lahayn ilaa laga soo gabagabeynayo baritaanada.
NCIC waxay sheegtay inay hawlaheeda baaritaanka iyo fulinta u qabsato si madaxbannaan iyada oo hoos tegeysa Sharciga Is-dhexgalka iyo Midnimada Qaranka ee 2008, isla markaana ay kaliya ku hoggaansamayso sharciga iyo caddaymaha hor yaalla, iyada oo aan lahayn wax jiho siyaasadeed , eex, ama faragelin ah.
Guddigu wuxuu ka digay sheeko kasta oo doonaysa in danbi wadareed lagu saaro qabiil, diin, ama gobol, isagoo ku adkaystay in dembiyadu yihiin kuwo shaqsi galay oo uu yahay mas’uuliyad qofeed.
Bayaankani wuxuu yimid ka dib kulan la tashi ah oo dhex maray labada hay’adood, kaas oo hoggaamiyeyaasha diintu ay fariimo hambalyo ah u direen guddoomiyaha cusub ee NCIC ee dhawaan la magacaabay, Bishob Dr. Kepha Omae, isla markaana ay ku booriyeen in tallaabooyin adag oo dhexdhexaad ah laga qaado hadallada nacaybka ah, abaabulka qabiilka, kicinta siyaasadda, iyo adeegsiga xun ee baraha bulshada.
Labada hay’adood waxay baaq kulul u direen hoggaamiyeyaasha siyaasadda, iyagoo ku boorriyey inay u tartamaan codadka balse aanay u tartamin burburinta sharafta dadka ay xafiiltamaan, isla markaana ay ka fogaadaan abaabulka iyo soo dirista burcad inta ay socdaan hawlaha siyaasaddu.
Waxay kaloo ugu baaqeen dhalinyarada inay diidaan in loo adeegsado shaqada kala qaybinta, dhammaanna muwaadiniinta inay ka warbixiyaan hadallada nacaybka ah oo ay diidaan inay faafiyaan.