DHEGEYSO:Qoyska Davis Lichuma oo sheegay inuu weli la ildaran yahay dhaawac maskaxeed ka dib afduubkii loo geestay

0
114
Davis Lichuma oo la helay isagoo xaalad halis ah la ildaran

Qoyska Davis Lichuma oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa sheegay inuu weli la ildaran yahay dhaawac maskaxeed, islamarkaana uusan awoodin inuu ka sheekeeyo wixii ku dhacay ka dib markii laga helay Isbitaalka Qaran ee Kenyatta isagoo miyir doorsoomay isla markaana dharkiisa qeyb ahaan ka maqan yihiin.
Sida ay qoyskiisa sheegeen, Lichuma weli ma hadli karo, waxaa uuna ku jiraa xaalad nafsaani ah oo adag ka dib markii la sheegay inuu afar maalmood ku jiray gacanta dad lagu eedeeyay inay afduubeen. Waxaa la sheegay in la afduubtay xilli uu ku sii jeeday inuu ku biiro dhaqdhaqaaqayaal kale oo xusayay sanadguuradii labaad ee dibadbaxyadii Gen Z.
Lichuma ayaa la sii daayay fiidnimadii Axadda, saacado yar ka dib markii dhaqdhaqaaqayaal ay ku hanjabeen inay ku baaqayaan dibadbaxyo dalka oo dhan ah sababo la xiriira kororka kiisaska dadka la afduubaayo.
Qoyska ayaa sheegay in mudnaanta hadda la siinayo daryeelka caafimaad iyo soo kabashada Lichuma, maadaama uusan weli awoodin inuu bixiyo faahfaahin ku saabsan wixii uu la kulmay intii uu maqnaa. Kiiskiisa ayaa sii kordhiyay walaaca laga qabo eedeymaha la xiriira afduubyada iyo dadka la waayo si qasab ah ee dalka ka soo cusboonaaday.