Dadka ku nool deegaanka Mtopanga ee ismaamulka Mombasa ayaa in ka badan lixdii bilood ee la soo dhaafay la daalaa dhacayay ur aad u xun oo ka dhashay dhuumada biyaha wasakhda qaadda oo dillaacay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhibaatada ay saameyn ku yeelatay nolol maalmeedkooda isla markaana ay sare u qaaday walaaca la xiriira caafimaadka iyo nadaafadda deegaanka.
Iyagoo wajahaya xaaladdaas, dadka deegaanka ayaa bilaabay inay tallaabooyin iskood u qaadaan si ay u yareeyaan saameynta wasakhda. Waxaa ay fureen meelo ay biyaha wasakhda uga qulqulaan si loo yareeyo fatahaadda iyo urta ka dhalatay dhuunta dillaacday.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay marar badan cabashadooda u gudbiyeen maamulka dowlad deegaanka Mombasa iyo Maamulka Qaran ee Maareynta Deegaanka (NEMA). Waxaa ay sidoo kale sheegeen inay yeesheen kulammo dhowr ah oo ay la qaateen mas’uuliyiinta ay khuseyso si xal loogu helo dhibaatada.
Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa hadda aan wax tallaabo ah laga qaadin cabashadooda, iyagoo dowladda ismaamulka iyo hay’adaha ay khuseyso ugu baaqay inay si degdeg ah u dayactiraan dhuumaha dillaacay si loo soo afjaro dhibaatada wasakhda iyo urta saameynta ku yeelatay bulshada deegaanka.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Dadka degaanka Mtopanga oo ka cabanaya dhuumaha biyaha wasakhda qaadda oo dillaacay




