Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr.Kipchumba Murkomen ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka Rigathi Gachagua ku eedeyay inuu wado siyaasadda kala qaybinta iyo rabshadaha.
Waxaa uu xusay in Gachagua uu laba-afleynaya oo uu khiyaanaya dadweynaha.
Murkomen ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa garoonka Kimwogo Grounds ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Wasiirka ayaa sheegay in lala tacaalay argagixisanimada , burcadnimada , dembiyada abaabulan iyo khatarrada kale ee amni oo sidaasi si la mid ah iyadoo aan loo naxayn lala dagaallami doono cid kasta oo shaqaaqo iyo qaswadeyaal wax ugu dhimaysa xasilloonida qaranka.
Murkomen ayaa hoggaamiyaasha ka codsaday in ay ka waantoobaan siyaasadda kala qaybinta ku saleysan oo ay joojiyaan inay dhallinyarada uga faa’iidaystaan dano siyaasadeed.
Wasiirka ayaa dhanka kale saraakiisha ammaanka ee aagga Mount Elgon oo ka tirsan ismaamulka Bungoma ku bogaadiyey dadaallada ay ku xakameeyeen isticmaalka daroogada isagoo kula taliyey in ay dadaalkaasi sii wadaan.
Sidoo kale , waxaa uu ka codsaday inay sare u qaadaan dadaallada ka dhanka ah faraxumeynta oo ay wanaajiyaan u adeegidda shacabka.




