Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida safiirkii hore ee Kenya ku matalayay Maraykanka

0
573

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta Ambasadoor Dennis Daudi Afande oo ahaa danjirihii hore ee Kenya u fadhiyay magaalada Washington DC ee Maraykanka.
Waxaa uu ku tilmaamay dibloomaasi dadaal badan ku bixiyay ka shaqeynta danaha wadanka.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in safiirkan hore uu wax badan ku soo kordhiyay xeerarka siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya.
Ambasadoor Afande ayaa sidoo kale dowladda xilal kala duwan ka soo qabtay sida, xoghayaha wasaaradaha caafimaadka iyo arrimaha gudaha , ku xigeenka madaxa hab-maamuuska ee maamulkii madaxweyne Jomo Kenyatta sidoo kale Daniel Arap Moi.
Waxaa uu sidoo kale soo noqday wakiilkii Kenya ee qaramada midoobay ka hor inta uunan howlgab noqon sanadkii 1995-tii.