Rigathi Gachagua oo cambaareeyay weerarkii dhawaan ka dhacay Mandera

0
193

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa si adag u cambaareeyay lix qof oo dhawaan lagu dilay deegaanka Arabia ee ismaamulka Mandera.
Gachagua ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska ay dadkooda kuwaayeen weerarka uu ku tilmaamay mid gargadrro ah.
Waxaa uuna soo kabasho iyo bogsasho deg deg ah u rajeeyay 7-da qof eek u dhaawacmay weerarka.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa duullaankaas ku eedeeyay ciidamada maamulka Jubbaland oo uu sheegay in si sharci darro ah ay u joogaan dhulka Kenya.
Sannadkii hore, waxaa uu sheegay in uu ka digay khatarta amni ee ka dhalatay joogitaanka ciidamada Jubaland kuwaas oo uu tilmaamay in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Mandera