Laba eedeysane oo loo xiray dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay baadariga Nakuru

0
131

Waaxda baarista dambiyada ee DCI ayaa sheegtay inay xirtay laba qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay baadari ku noolaa magaalada Nakuru.
Meydka baadari Julius Ndumia ayaa Isniintii laga helay gurigiisa oo ku yaalla kaniisadda PCEA Tabuga Parish ee deegaanka Lanet ka dib weerar la rumeysan yahay inuu dhacay habeenkii Axadda.
Baadariga ayaa la sheegay in gacmaha laga xiray xarig isla markaana uu dhaawac culus ka soo gaaray qaybta dambe ee qoorta.
Ilaalada ammaanka ee kaniisadda ayaa sidoo kale si daran loogu dhaawacay weerarka, waxaana uu hadda ku jiraa daryeel caafimaad oo lagu siinayo isbitaalka guud ee Nakuru.
DCI ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay tuhmanayaasha uu ka dhashay baaritaanno farsamo iyo xog uruurin ay si wadajir ah u sameeyeen saraakiil ka tirsan waaxda baarta dilalka, waaxda sirdoonka dambiyada iyo cutubyo kale oo ammaanka ah oo ka howlgalaya Nakuru.
DCI ayaa intaasi ku dartay in eedeysaneyaasha lagu helay agab la xaqiijiyay inuu lahaa baadariga la dilay.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in kooxda ay jabsadeen xafiiska kaniisadda iyo guriga baadariga, halkaas oo ay ka qaateen lacag, taleefoonno iyo alaabo kale oo qiimo leh.
DCI ayaa sheegtay inay sii wado baaritaanno dheeraad ah iyo falanqeynta caddaymo si loo ogaado haddii falkaas uu xiriir la leeyahay shabakad dembiyeed oo ballaaran, iyadoo ballanqaadday in dhammaan dadka ku lugta leh la soo qaban doono lana horgeyn doono sharciga.