Hoggaamiyaasha diimeed ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa dowladda ka codsaday in ay si wayn ula tacaasho dilalka ka dhanka ah haweenka oo ay sheegeen in ay kordheen.
Guddoomiyaha golaha imaamyada iyo ducaadda dalka ee (CIPK) laanta Waqooyiga Rift Valley Sheekh Abuubakar Biini ayaa magaalada Eldoret ka sheegay in xiriirro ku billowdo baraha bulshada ay sababaan dhacdooyinkan.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo qaybo ka mid ah dunida maanta looga dabbaal degaya maalinta caalamiga ee hooyooyinka.
In kastoo dalalka Albania, Ruushka Serbia iyo Vietnam maalinkan laga xuso 8-da bisha Saddexaad ee Maarso halka dabbaal deggan 21-ka ila bishaasi lagu qabto Masar, Sacuudi Carabiya , Imaaraadka iyo waddamada kale ee carbeed, haddana maalinka caalamiga ee hooyooyinka ayaa soo billowday sanadkii 1914-kii xilligaasi oo uu madaxweynihii 28-aad ee Maraykanka Thomas Woodrow Wilson uu aqoonsaday saameynta hooyooyinka.




