DHAGEYSO:Wakiilka haweenka ee Mombasa oo ku talisay in dhallinyarada loo fududeeyo qaadashada amaahda

0
152

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Mombasa Zamzam Mohamed Chimba ayaa guddoomiyaha guddiga maamulo sanduuqa horumarinta ganacsiyada dhallinyarada Fatma Bakari Barayan u soo jeedisay in ay xoogga saarto sidii da’yarta looga fududeyn lahaa shuruudo badan oo ay sheegtay in lagu xiro marka ay doonayaan in ay qaataan lacagaha amaahda ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dhallinyaro badan ay u baahan yihiin kabid dhaqaale si ay ganacsi u billowdaan ama ay fursado shaqo uga raadsadaan dalka dibadiisa balse ay caqabado kala kulmaan helidda miisaaniyadda loogu talagalay.
Xilli ay ku sugnayd deegaanka Likoni ee Mombasa ayay tilmaantay in madaxda laga doonayo inay xaqiijiyaan in dhaqaalaha awoodsiinta la gaarsiiyo qaybaha bulshada ee loo qoondeeyay si ay uga faa’iidaystaan.