DHAGEYSO:Gachagua oo ballanqaaday inuu difaaci doono kaniisadda isla markaana uu dhaliili doono siyaasadaha dowladda

0
130

Hoggaamiyaha xisbiga DCP, Rigathi Gachagua, ayaa sheegay inuu sii wadi doono difaaca kaniisadaha iyo dhaliilaha uu u jeedinayo siyaasadaha dowladda. Gachagua ayaa sheegay in uusan ka aamusi doonin waxa uu ku tilmaamay dhibaatooyinka iyo khaladaadka ka jira maamulka Kenya Kwanza.
Gachagua iyo siyaasiyiin la safan ayaa hadalkan ka sheegay munnaasabad kaniisadeed oo ka dhacday deegaanka Ruai, halkaas oo ay ku eedeeyeen dowladda inay taageerto weerarro lagu hayo kaniisadaha iyo dhaqdhaqaaqyada mucaaradka. Waxaa ay sheegeen in cadaadis siyaasadeed lagu hayo dadka dhaliila Xukuumadda madaxweyne Ruto.
Hoggaamiyaha DCP ayaa sidoo kale sheegay inay difaaci doonaan madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta, isagoo tilmaamay in weerarro joogto ah oo dhanka siyaasadda ah ay uga imaanayaan qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha dowladda wadajirka ah.
Siyaasiyiinta la hadlay shacabka ayaa ku baaqay in la dhowro xorriyadda hadalka, madax bannaanida goobaha cibaadada iyo xuquuqda mucaaradka, iyagoo sheegay in dimuqraadiyadda dalka ay u baahan tahay in la ilaaliyo kala duwanaanshaha aragtiyada siyaasadeed.