Wakiilkii hore ee haweenka dowladda deegaanka Kirinyaga, Wangui Ngirici, ayaa si kulul u dhaliishay maamulka Kenya Kwanza, iyadoo ku eedeysay inuu ku mashquulay siyaasado joogto ah iyo ballanqaadyo aan la fulin xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka. Ngirici ayaa hadalladan ka sheegtay kulammo siyaasadeed oo ay ku qabatay deegaannada Njukiini, Kabare, Inoi iyo Nyangati ee ismaamulka Kirinyaga.
Ngirici ayaa ku eedeysay wasiirrada, xoghayeyaasha joogtada ah iyo saraakiil kale oo sare inay dayaceen waajibaadkoodii dastuuriga ahaa, islamarkaana ay xoogga saareen ololaha doorashada guud ee 2027. Waxaa ay sheegtay in dowladda ay ka weecatay adeegii shacabka, iyadoo shacabka ay wajahayaan sicir barar, cabashooyin isa soo taraya iyo caqabado saameynaya beeraleyda.
Waxaa ay sidoo kale sheegtay in hoggaamiyeyaasha dowladda ay tahay inay xoogga saaraan xal u helidda dhibaatooyinka dalka halkii ay ku jiri lahaayeen isu soobaxyo siyaasadeed. Ngirici ayaa tilmaantay in shacabka ay maamulka hadda jira u doorteen inuu yareeyo qiimaha nolosha, dib u soo nooleeyo waaxyaha beeraha isla markaana hagaajiyo nolol maalmeedka Kenyaanka, balse ay weli jiraan ballanqaadyo badan oo aan hirgelin.
Ngirici ayaa dowladda ku dhaliishay sida loo hirgeliyay Hay’adda Caafimaadka Bulshada ee SHA, iyadoo sheegtay in dad badan ay weli ku dhibban yihiin helitaanka adeegyada caafimaadka. Waxaa ay sidoo kale xustay in beeraleyda shaaha ay wali la daalaa dhacayaan canshuuro badan inkastoo hore loogu ballanqaaday isbeddello. Dhanka kale, waxaa ay difaacday madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachagua, iyadoo sheegtay inay mudan yihiin ixtiraam doorkii ay kasoo qaateen hoggaanka iyo horumarka dalka.
Home Wararka Kenya Wangui Ngirici oo ku eedeysay mas’uuliyiinta dowladda inay adeegga shacabka uga tageen...




