Barasaabka Murang’a oo sheegay in 2027 uunan ku tartami doonin UDA

0
168

Barasaabka ismaamulka Murang’a ,Irungu Kang’ata ayaa shaaciyey in marka la gaaro doorashada guud ee sanadka 2027-da uunan ololihiisa u adeegsan doonin tikedhka xisbiga talada waddanka haya ee UDA.
Kang’ata oo doonaya inuu mar kale u tartamo xilka barasaabnimo ee uu hadda haya ayaa sidatan sheegay maanta ka dib kulan uu madaxweynaha qaranka William Ruto kula qaatay deegaanka Kandara ee dowlad deegaankaasi Murang’a.
Waxaa uu caddeeyay in mowqifkiisa uu ka dhashay waxyaabo aan la jaanqaadeyn mabaad’iidiisa iyo qiyamkiisa siyaasadeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in maamulka hadda jira uu ka gaabiyey wax ka qabashada dhanka wax soo saarka , caafimaadka iyo tacliinta.
Hasa ahaate, waxaa uu caddeeyay in ka hor sanadka 2027-da uu sii ahaan doono sida uu hadalka u dhigay xubin edeb leh oo ka tirsan UDA.