Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha xisbiyada ODM iyo Wiper ee kala ah Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka ugu baaqay in ay la yimaadaan qorsho siyaasadeed hadii ay doonayaan in ay kaga adkaadaan doorashada madaxtinimo ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu ka jawaabayay hadal ka soo yeeray labadan mas’uul oo ahaa in aynan isku khilaafayn qabashada hoggaanka wadanka.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in aynan muhiim ahayn in la soo dhiso iskaashi siyaasadeed oo ujeedkiisu yahay keliya sidii isaga looga guulaysan lahaa.
Waxaa uu ku celceliyay in cid kasta oo daneynaysa in ay wadanka hoggaamiso looga baahan yahay in ay Kenyaanka u soo bandhigto istaraatiijiyad siyaasadeed oo wax ku ool ah.