Booliiska oo haweeneey u xiray geerida Dr. Job Obwaka

0
259

Booliska ayaa xiray haweeney 45 jir ah oo la socotay dhakhtar ku takhasusay hooyada iyo dhallaanka ee lagu magacaabi jiray Dr. Job Obwaka kaasi oo geeridiisa la xaqijiiyay markii la keenay Isbitaalka Nairobi.
Warbixin boolis oo laga soo gudbiyay Saldhigga Booliska ee Kilimani ayaa muujineysa in Dr. Obwaka lagu keenay isbitaalka ambalaas fiidnimadii xalay xili uu taagnida ka dhacay isagoo ku sugnaa magaalada Kitengela, halkaas oo uu u tagay hawlo shaqsiyeed.
Shaqaalaha caafimaadka ee xarunta ayaa xaqiijiyay in dhakhtarka 83 jirka ahaa uu dhintay markii la keenay isbitaalka taasi oo shaki badan abuurtay.
Haweeneyda, oo lagu magacaabo Beatrice Wangare, oo la rumeysan yahay inuu kala dhaxeeyay xariir ganacsi ayaa lagu wada baaritaan si loo ogaado sababtii keentay dhimashadiisa.
Booliska ayaana sheegay in meydka dhakhtarka lagu sameyn doono baaritaan dheeraad ah.