Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa ka codsaday shacabka inay muujiyaan samir, isagoo sheegay in dowladda ay wado tallaabooyin lagu yareynayo saameynta kororka qiimaha shidaalka ee ka dhashay suuqa caalamiga ah.
Isagoo ka hadlayay deegaanka Irunduni, Kindiki ayaa sheegay in kororka qiimaha shidaalka uu salka ku hayo xiisadaha u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil, isagoo diiday in xaaladda ay ka dhalatay dhibaatooyin gudaha ah ama siyaasadda dowladda.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda ay qaaday tallaabooyin lagu yareynayo culayska, oo ay ka mid tahay dhimista canshuurta VAT-ga ee shidaalka, taasoo hoos u dhigtay qiimaha litirka ilaa dhowr shillin. Waxaa uu intaas ku daray in tallaabooyin kale oo dheeri ah ay socdaan si loo xasiliyo qiimaha.
Kindiki ayaa ku adkeystay in cadaadiska hadda jira uusan khalkhal gelin doonin dhaqaalaha dalka, isagoo ka digay dibadbaxyo siyaasadeed oo uu sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin hoos u dhaca qiimaha shidaalka, isla markaana ku baaqay in hoggaamiyeyaasha ay muujiyaan dulqaad iyo wada shaqayn.
Home Wararka Kenya Kindiki oo sheegay in culeyska qiimaha shidaalka uusan ruxi doonin dhaqaalaha, dowladdana...




