DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo ka hadlay koronto la’aanta ka jirta Mandera

0
83

Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta hawlo shaqo u tagay ismaamulka Mandera ayaa shacabka ismaamulkaas u ballan qaaday in laga bilaabo maalinta berri ah ay heli doonaan koronto ku filan.
Hadalka madaxweyne Ruto ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay shacabka Mandera ay la daalaa dhacayeen koronto la’aan.
Muhiimada uu maanta madaxweyne Ruto u tagay Mandera ayaa ah barnaamijka Awoodsiinta Haweenka Mandera iyo sido kale hirgalinta Mashaariic kala duwan.

Dhinaca kale madaxweyne Ruto ayaa sheegay inuu bixiyay qandaraasyada waddooyiinka Mandera si ismaamulkaas looga tayeeyo waddooyiinka.

Madaxweyne Ruto oo soo hadal qaaday waxbarashada gobolka waqooyi bari ayaa ballan qaaday in marka dib loo furo dugsiyada 1800 oo macaliimiin ah loo shaqaaleysiin doono gobolka waqooyii Bari si kor loogu qaado taclliinta Gobolkaas.

Dhanka kale hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka ayaa carrabka ku dhuftay in dadka aan wali heli aqoonsiga qaranka ay heli doonaan dhawaan si Meesha looga saaro takoorka.
Waxaa uu intaas ku daray in Kenyaanka aan wali qaadan karaka codeynta loo fududeyn doono si ay uga qeyb qaataan codbixinta soo socota.

Madaxweyne Ruto ayaa sido kale sheegay in la dardargalinayo garoonka casriga ah ee laga hirgalinayo Wajeer.
Waxaa uu dhinaca kale u ballan qaaday Mandera in laga tayayni doono garoonka diyaaradaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha qaranka ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Gobolka waqooyi bari la gaarsiin doono sanduuqa kaabayaasha dhaqaalaha si Meesha looga saaro dhibaatooyiinka ay wajahayaan .