IEBC oo diiwaangelisay 1.3M oo codbixiyeyaal cusub ah

0
154

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka (IEBC) ayaa diiwaangeliyay 1,370,930 codbixiye cusub tan iyo markii la bilaabay hawsha Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha 30-kii bishii Maarso sanadkan 2026.
Guddigu wuxuu sheegay inay diiwaan geliyeen 495,429 diiwaangelin cusub hal toddobaad gudaheed ah
Gobolka Nairobi ayaa hogaaminaya diiwaangelinta cusub iyadoo laga diiwaangaliyay 150,166, waxaana ku xiga Kiambu oo la diiwaangaliyay 72,055 iyo Kakamega 61,797.
Nakuru iyo Machakos waxay diiwaan geliyeen 57,068 iyo 47,348 diiwaangelin cusub, siday u kala horreeyaan.
Guddigu wuxuu ku tilmaamay tirada dadka isdiiwaangaliyay inay tahay xaqiijin xooggan oo ku aaddan kalsoonida geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee dalka.