Gabar soomaaliyeed oo dhawaan la waayay oo meydkeeda laga helay Mombasa

0
1117

Gabar soomalaiyeed oo 19 sano jir ah, oo lagu magacaabo Najma Cabdullaahi Macalin, oo la waayey 9-kii bishan Juun, ayaa la xaqiijiyay inay dhimatay ka dib markii jirdil xoogan loo gaystay.
Ciidamada booliska ayaa sheegay in Najma ay arkeeniyada oo miyir daboolman amaba suuxsan xili ay sameynayeen rondo ay ku xaqiijinayeen amniga.
Ciidamada ayaa gabadha ka helay wadada weyn ee Dongo Kundu Bypass, ee magaalada Mombasa,waxaa ayna geeyeen isbitaalka iyada oo mar dambe geeriyooday.
Madaxa Najma waxaa ku yaalay nabarro jirdil ah , halka ilkaha qeybtooda sare ay ka maqnaayeen ,waxaa ayna ka dhiig baxday afka iyo sanka sida ay sheegeen qoyskeeda.
Sido kale qoyskeeda waxaa ay sheegeen in Najma ay ku dhimatay Isbitaalka Port Reitz, ee magaalada Changamwe,sideed saacadood ka dib markii ay booliska geeyeen isbitaalka.
Markii la waayay gabdhaas ayaa qoyskeeda waxaa ay 10-kii bishaan ku wargaliyeen ciidamada booliska ee Changamwe .
Laba tuhmane oo lala xariirinaya dilka najma ayaa ku jira gacanta ciidama booliska iyagoona lagu wado baaritaano dheerada ah.
Hay’adda u dooda xaquuqda muslimiinta ee loo yaqaana Muhuri oo uu fadhigoodu yahay Mombasa oo aan ka soo xiganay dhacdaan ayaa sheegay in qoyska gabadhaas ay ka caawin doonaan sidii ay cadaalad u heli lahayd.